4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Gabadh yar oo ku dhimatay rabshad dhexmartay ciidanka Booliska iyo ardayda magaalada Laascaanood
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Gabadh lagu sheegay in ay 12 jir tahay ayaa ku dhimatay rabshad  dhexmartay ciidanka Booliska iyo arday dhigata Dugsiga Sare ee Hoyga Laascaanood oo ay wax ku bartaan ardayda badanaa tuulooyinka aan lahayn dugsiyada Sare ka yimaada.

Rabshadan ayaa ka dhalatay ka dib markii maamulka iskuulku uu 4 arday damcay in ay ka saaraan iskoolka  iyadoo lagu eedeeyey rabshado taas oo iskoolka buuq ka dhalisay.

Ciidanka Booliska oo soo gaadhey goobta ayaa sida ay goobjoogayaal u sheegeen HOL la kulmay dhagax iyo buuq taas oo sababtay in ay rasaasta nool isticmaalaan.

Ilaa hada ma cada waxyeelo soo gaadhey ciidanka iyo ardayda midna, ardaydu iskoolkooda ayay joogaan ciidamaduna waxay dib ugu noqdeen goobohoodii, welina wax war ah oo ka soo baxay lama maqal masuuliyiinta amaanka iyo waxbarashada walow uu magaalada ka maqnaa gudoonkii waxbarashada gobolku.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood