4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo beeniyay in kulankii raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Kenya lagusoo hadal qaaday arrimaha badda
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo shir jara’id ku qabtay Nayroobi ayaa beeniyay in habo yaraatee kulankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay madaxweynaha Kenya looga hadlay arrimaha badda.

Warbaahinta madaxtooyada Kenya ayaa shalay qortay in kulankii Uhuru Kenyatta iyo raysal wasaare Rooble looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin muranka xagga badda, inkastoo markii dambe laga saaray qoraalka arrinta badda.

Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu sheegay kulanka inuu ahaa mid looga wada hadlayay sidii Soomaaliya iyo Kenya usoo wada ceshan lahaayeen xiriirkoodii ganacsi, amni iyo isku socodka.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan kulankaas looga hadlin ama lagusoo hadal qaadinba arrimaha aad welwelka ka muujinaysaan ee badda,” ayuu yiri wasiirka arrimahada dibadda Soomaaliya.

Wasiirka oo la weydiiyay in laga wada hadlay arrimaha Qaadka, ayaa sheegay in si guud looga wada hadlay soo celinta xiriirka ganacsi ee labada dal islamarkaana uu jiro guddi farsamo oo loo xil saarayo in ay ka shaqeeyaan soo celinta wada shaqaynta labada dal.

Wuxuu wasiirku sheegay in ay kulamadu weli socdaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya doonayso in kulamada dambe ee looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal ka dhacaan gudaha Soomaaliya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online