4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 11, 2021
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay musuq maasuq
 

Arbaco, Agoosto, 11, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga Waddani Maxammed Saddiiq Dhame, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay hab sharciga baal marsan u maamulayso deeqaha waxbarasho ee waddamada dibadu siiyaan ardayda Somaliland.

Xogeeyaha ayaa masuuliyiinta wasaarada caafimaadka Somaliland ku eedeeyay in ay qabanayaan shaqadii guddida tacliinta sare oo ah qabashada CV-yada ardayda iyo kala reebistooda.

"Xeerka waxbarashada qaranka qodobkiisa 28aad waxa uu tilmaamayaa wixi tacliin sare ah in ay masuul ka tahay guddida tacliinta sare, xisbi ahaan waxaan u aragnaa nidaam fowdo ah, wasaarada caafimaadka iyo agaasimaha guudna xaq umalaha in uu naadiyo oo xafiiskiisa ku qabto CV-yada" ayuu yidhi.

"Xaq uma laha in uu yidhaa anaga CV-yada iyo shahaaddooyinka ka gurayna, deeqdana anagaa maamulayna isla markaana ardayda u dirayna Itoobiya, hadii guddida tacliinta sare anay qaban karin shaqadii ay qaranka ugu igamanaynd waxanu usoo jeedinayna in ay xafiiska baneeyaan" ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxa jiray eedaymo musuq maasuq deeqo waxbarasho oo xogeeyuhu hore ugu jeediyay wasaarada waxbarashada iyo Jaamacada Hargaysa.

Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]