4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 10, 2021
Madaxweynaha Kenya oo Aqalka Madaxtooyada Mombasa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
 

Talaado, Agoosto, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay magaalada Mombasa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safarkii ugu horreeyay ku tagay Kenya.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay wada hadal laba geesood ah la yeesho madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo ku saabsan arrimaha danaha labada dal.

“Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inay yeeshaan wada hadal labo geesood ah kaas oo looga hadli doono mawduucyo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya." ayaa lagu yiri war kooban  kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in kulanka uu yahay tallaabo wanaagsan oo u dhaxaysa labada dal oo in muddo ah uu ka dhex khilaaf sababay in xiriirka la isku jaro iyo cunaqabatayn.

Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in arrimaha laga wada hadlayo aanay ku jirin kiiska badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online