4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 9 , 2021
Kulan tacsi ah oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay laacibkii hore kubada koleyga Soomaaliya Cumar Baarajab


Jimco, April, 09, 2021 (HOL) - Kulan tacsi ah ayaa magaalada Muqdisho loogu sameeyay allaha u naxariistee laacibkii hore ee kubada koleyga Soomaaliyeed Cumar Baarajab.

Allaha unaxariistee Cumar Baarajab ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Imaaraatka Carabka halkaas oo uu muddo dheer ku noolaa ka hor geeridiisa.

Intii ay socotay tacsida ayaa lasoo bandhigay taariikhda marxuumka iyo kaalinta uu ka cayaaray tartamadii kubada koleyga Soomaaliya.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay Cumar Baarajab inuu ahaa safiirka cayaaraha ee Soomaaliya u fadhiyay Imaaraatka. Wuxuu sheegay bahda isboortiga in ay aad u saameysay geeridiisa.

Dhammaan dadkii ka qeyb galay tacsida marxuumka ayaa isku raacay inuu Cumar Baarajab ahaa halyay qaran oo aysan hilmaamin dadka Soomaaliyeed.

Cumar Cabdiqaadir Baarajab  wuxuu ka mid ahaa Xulka Qaranka iyo Kooxdii LLPP, wuxuuna taariikh weyn ku lahaa bahda Isbootiga dalka.

Wuxuu ahaa  Ciyaaryahan Qaran,  Macalin Qaran, Illaa uu markii dambe noqday Tababare heer Caalami ah dhanka Kubadda Koleyga iyo Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta olambikada qaranka Soomaaaliyeed.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online