4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo caddaalad darro ku tilmaamay in Puntand loo fasaxo shahaadadii dugsiyada sare
 

Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caddaalad darro ku tilmaamay in laga laabato go’aankii Puntland looga joojiyay in lasiiyo shahaadada dugsiyada sare iyagoo aan ka qeyb galin imtixaanka dowladda federalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in wasaaradda waxbarashada ay shahaadada siiso ciddii ka qeyb gasha imtixaanka dowladda oo baasta.

“Caddaalad uma aragno in qolo la yiraahdo imtixaankaaga gaar u qaado anagaa ku siinayna shahaado,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Finish.

Hadalkaan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ka sheegay kulan maanta ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha waxbarashada gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore u fasaxday Puntland in la siiyo shahaadada dugsiga sare kadib markii wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya uu labadii sano ee ugu dambeeyay ka joojiyay shahaadadaas, kadib markii Puntland ay ka biyo diiday imtixaanka dowladda.

Puntland ayaa ku andacootay la’aanta manhaj midaysan oo ka dhaxeeya Somaaliya aysan suurtagal ahayn in ay qeyb ka ahaato imtixaaanka dowladda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online