4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
Mulkiilaha xawaalada WorldRemit oo malaayiin dollar ku maalgalinaya mashariicda horumarinta Somaliland
 

Arbaco, April, 6, 2021 (HOL) - Mulkilaha shirkada WorldRemit DR. Ismaaciil Ibraahim Axmed, oo Hargaysa ka daahfuray hay’ad layidha Sahamiye foundation, ayaa ku dhawaqay in uu 500 oo milyan ku maal galinayo waxbarashada Somaliland iyo adeegyo kale.

Hay’adan khayriga ah oo fadhigeedu uu noqon doono magaalooyinka Hargaysa iyo London iyo adeega waxbarashada bilaash ka ah ee Daaris, ayaa 500 oo million oo dollar ku bixin doonta Somaliland muddo 10 sano ah.

Mulkiilaha WorldRemit oo daahfurka kaga qayb galay hab maqal iyo muuqaal ah isagoo jooga dalka dibadiisa ayaa sheegay in uu lacag dhan 500 oo milyan oo dollar ku bixin horumarinta Somaliland oo waxbarashadu ugu horayso.

“Waxan ku talo jiraa 10 ka sano ee soo socda in aan lacag gaadhaysa 500 oo milyan oo dollar oo kamida hantidayda in aan ku maal galiyo mashariicda horumarinta ee Somaliland” ayuu yidhi DR. Ismaaciil.

“Waxanu doonaynaa in dadka wax akhriya ee Somaliland oo maanta 45% ah, in aanu gaadhsiino 90% oo aanu libin laabno” ayuu DR. Ismaaciil hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xaflada daahfurka Sahamiye foundation, ayaa soo dhaweeyay qorshaha mulkiilaha WorldRemit.

“Waa waxa aad loogu farxo in nin muwaadin ah oo reer Somaliland ahi yidhi sanad walba 50 milyan ayaan galinaya horumarka dalkayga” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.

Ganacsade Ismaciil Axmed ayaa hore malayiin dollar ugu deeqay ladagaalanka caabuqa Covid-19 ee Somaliland.


Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]