4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 7 , 2021
100 qof oo ku dhintay isku dhacyadii dhexmaray Canfarta iyo Soomaalida
 

Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Isku dhacyada xuduudaha ee u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 100 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.

Axmed Xumed, oo ah taliye ku-xigeenka booliska ee gobolka Canfarta ayaa khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rabshadaha ay soo qaadeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida.

Cali Bedel, oo ah afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in ciidamada Canfartu dileen 25 qof Jimcihii, tiro aan la garanayn oo rayid ahna ay ku dhinteen dagaalkii talaadadii shalay.

Labada dhinacba waxay beeniyeen inay iyagu bilaabeen dagaalka, wuxuuna midba midka kale ku eedeeyay masuuliyadda rabshadaha.

Dowladda Ethiopia ayaa ciidamadeeda milatariga geysay goobihii lagu dagaalamay, iyagoo lagu amray in ay kala dhex galaan ciidamada dagaalamaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online