4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo xirtay kiis dacwaddeedkii Cabdirashiid Janan
 

Isniin, April, 05, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa  xirtay  dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo soo saaray go'aanka lagu xiray kiiska dacwadda Janan ayaa u cuskaday Danta guud ee caddaalada laga leeyahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Janan dacwaddiisu iyo amar soo qabashadiisu ay taalay, ayaa aqbashay go'aanka lagu xiray kiiskaas.

Sanadkii 2020 wasiir Janan ayaa mar galay gacanta dowladda, waxaana lagusoo oogay dambiyo dagaal oo ay kamid yihiin inuu ku lug lahaa dilalka dad shacab ah oo lagu laayay gobolka Gedo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online