4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Dooxa Hargaysa oo galaaftay gaadiid badan kadib roob mahiigaan ah oo galabta da’ay
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Dooxa Hargaysa, ayaa qaaday baabuur u badan nooca Vitz ta loo yaqaano kadib markii uu roob laxaad lihi galabata ka da’ay Hargaysa iyo nawaaxigeeda.

Baabuurta aya la arkayay iyaga oo biyaha dooxa dul sabaynaya kadib markii uu roobku istaagay.

Ilaa iyo hada lama hubo in ay jiraan dad ku jiray baabuurta uu daadku qaaday oo dhimasho ama dhaawac kasoo gaadheen.

Masuuliyiinta caasimada Hargaysa, ayaan ilaa hada ka hadal khasaaraha uu gaystay roobku.

Doox yada ku yaala Hargaysa iyo hareeraheeda ayaa sanad kasta galaafta nafo iyo hanti badan xiliga guga.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]