4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Qatar oo ergay gaar ah u soo direysa Soomaaliya toddobaadka danbe

 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in toddobaadka danbe dowladda Qatar Ergay gaar ah u soo direyso Soomaaliya, kaa oo ku magacaaban La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

Ergaygan oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa lagu waddaa in uu kulamo la qaato madaxda ugu sarreysa dalka, lamana oga ilaa waqtiga uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho 

Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa la sheegay in uu yahay khabiir sarre oo dhinaca xalinta khilaafaadka ah, isaga oo sida ilo xog ogaal ah sheegayaan horray uga soo qeyb qaatay dhaxdhaxaadintii kooxda Talibaan iyo waliba Mareykanka.

Booqashadiisa toddobaadkan danbe ayaa imaneysa xili xiisad meeshii ugu sarreysay gaartay ay ka dhax taagan tahay hoggaamiyayaasha Soomaalida, kaddib muddo korarsi laga horyimid oo Baarlamaanka u sameeyay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]