Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo furay shir hordhac u ah shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka
Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shir hordhac u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.
Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.
Shirkan ayaa lagu dhammeystirayaa wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.
Beesha caalamka ayaa soo dhoweyday qabsoomida shirkaan, waxayna hoggaamiyaayasha Soomaaliya ku boorriyeen in ay aragti isku mid ah ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan doorashada.
Waa markii ugu horreeyay oo ay shir ka fool ka fool ah iskugu hor yimaadaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda federalka tan iyo wixii ka dameeyay shirkii Dhuuso mareeb 4.
Qabsoomida shirkaan ayaa ku yimid waan waan ay garwadeen ka ahayd beesha caalamka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]