4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Barlamaanka Soomaaliya oo beeniyay in mooshin laga wado raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in barlamaanku mooshin ka wado raysal Wasaare Rooble, si xilka looga tuuro.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu beeniyay jiritaanka warkaas, waxaana lagu sheegay in barlamaanku uu ka shaqeynayo wada shaqaynta xukuumada iyo golaha shacabka.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka  wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in waribxinta ay hayaan ay tahay inuu madaxweyne Farmaajo barlamaanka hortagidoono sabtida, isagoo ka codsandoona in barlamaanku dib u meel mariyo heshiiskii 17 september.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu golaha shacabku qorshaynayo inuu carqaladeeyo go'aanadii Reysalwasaaraha iyo Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ku diideen muddo kororsiga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online