4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Galmudug iyo Hirshabelle oo diiday muddo kordhintii barlamaanka kuna baaqay in doorashada si degdeg ah loo qabto
 

Talaado, April, 27, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa isku raacay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Soomaaliya si meesha looga  saaro xaaladda karin ee ka dhalatay muddo kordhintii uu barlamaanka sameeyay.

Labada maamul ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen waxay ku diideen wax muddo kordhin ah, waxayna isku raaceen in doorashada lagu galo heshiiskii 17 sebtember.

Waxay sidoo kale isku raaceen in meesha laga saaro wax kaste oo ka hor imaan kara ama caqabad ku noqon kara hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17 september.

Galmudug iyo Hirshabelle waxay ahaayeen maamulada wada shaqaynta dhow laleh dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo markii hore taageeray go’aankii barlamaanka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online