4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Wasiir Amniga'' Kuwa Muqdisho colaada ka hurinaya waxey gabaad u noqon karaan Al-shabaab iyo Daacish

 

Talaado, April, 27, 2021 (HOL) -Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in xiisada ka taagan magaalada Muqdisho gabaad ka dhigan karaa sida uu hadalka u dhigay Ururrada Al-shabaab iyo Daacish.

Wasiirka ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay magaalada ku soo bateen moorayaan bilaawday in ay guryaha jabsadaan dadkana dilaan, isaga oo intaa raaciyay in ay ku soo hoos dhuumanayaan xiisada ka jirta Muqdisho.

''Kuwa madaxda ah ee dowladda ayaan ka soo horjeednaa leh, waxaan leeyahay gabaad ha u noqoninna wax-aydaan hadhow xakameyn karin, waxaa laga yaab in talo farahiina ka baxdo oo hadhow dowladda gadaal ka soo martaan, rabshada hadda ka jira caasimada waxaa ay gabaad u noqon karaa Ururrrada Al-shabaab iyo Daacisho oo aan ognahay dalkan dhibaatada ay ku hayaan'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in la joogo waqtigii ay ciidamada dowladda talaabo qaadi lahaayeen'' Dowladdu awood ayeey u leedahay in ay Amniga caasimada oo dhan gacanta ku dhigto, laakiin waxaan u tureynay shacabka oo aan diidaneyn in lagu dul dagaalamo, balse hadda waxaa muuqaneysa in la joogo waqtigii talaab la qaadi lahaa'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah waxaa ka jira barakac ballaaran oo ay bilaabeen dadka rayidka ah gaar ahaan xaafaddaha ay wali isku horfadhiyaan ciidamada iska soo horjeeda oo ay suurtagal tahay xili walba in ay dagaalamaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]