5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Beesha caalamka oo si adag u cambaareysay rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25-kii bishan
 

Talaado, April, 27, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen waxay sheegeen in ay ka xun yihiin rabshadihii Muqdisho ka dhacay 25-kii bishaan, iyagoo sheegay in rabshadahaas ay ka dhasheen diidmada muddo kororsiga.

Waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dibna u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda.

Beesha caalamka waxay si gaar ah welwel uga muujisay kala qeybsanaanta soo baxaysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed.

“In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin. Waxaan mar kale ku celinaynaa in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka, waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka beesha caalamka.

Waxay beesha caalamka soo dhoweeyeen go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah, iyagoo  ku booriyay inuu ergyagu tago magaalada Muqdisho uuna guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online