4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Antonio Guterres '' Waa in dhinacyada Soomaalida dib ugu laabtaan miiska Wadahadalka

 

Talaado, April, 27, 2021 (HOL) -Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres  ayaa war ka soo saaray dagaalladii ugu danbeeyay toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud uu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Xoghayaha guud ayuu sheegay in uu  ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”

Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii Axadii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa soo  baxaya baaqyo heer caalami ah oo loo jeedinayo dhinacyada iska soo horjeeda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]