4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Ciidamadii taageersanaa Mucaaradka oo ka guuray difaacoodii wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim
 

Talaado, April 27, 2021 (HOL) - Ciidamadii aay hoggaaminayeen Jenaraal Indhacade, Saadaq Joon iyo waliba kuwii Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saaka waabarigii hore isaga baxay difaacyadii aay ku lahayeen wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ciidamadan saaka kasoo guuray fariisamahoodii hore ayaa fariisimo cusub ka sameystay xaafada Siigaale iyo xaafado kale oo ku dhawdhaw, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney isaga soo guuraan fariisamahoodii hore.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaani difaacyadoodii hore ee wadada Madaxtooyadii Cabdiqaasim aay uga soo baxeen sababo la xariira istaraatiijiyad ciidan.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad iyo Gorgor ayaa gaaray goobahii aay saakay ka baxeen ciidamada Mucaaradka, kuwaas oo wadada ka qaaday carro tuurkii iyo birahii aay dhigteen ciidamadii halkaasi saaka baneeyay.

Jawiga Muqdisho ayaa ah haatan mid degan walow xaafado ka tirsan Muqdisho uu ka socdo barakac aad u xoogan, maadama laga cabsi qabo dagaalo markale ka dhex qarxi kara ciidamada dowladda iyo kuwa Mucaaradka ee diidan muddo kororsiga dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]