4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Barakac xoog leh oo goordhaw ka bilaawday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Talaado, April 27, 2021 (HOL) - Barakac xoogan ayaa ka bilaawday aroornimadii hore ee saakay qaar ka mid ah xaafada Siigaale, iyo agagaarka mowlaca  Macalin Nuur iyo waliba xaafado kale oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Barakaca dadkan shacabka ah ayaa yimid kadib markii cabsi xoogan aay ka muujiyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan oo ka jira xaafadahaasi taaso sababi karta mar walbo inuu qarxo dagaalo laga cabsi qabo iney dhexmaraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga dowladda Fedaraalka.

Wadooyinka ayaa saaka lagu arkayay dad barakacaya oo u badan Hooyooyin, Caruur, iyo dad waayeelo ah, kuwaas gacmaha iyo garbaha ku sitay alaabo yaryar oo aay ka qaateen guryahooda.

Inkastoo xaalada Muqdisho aay haatan tahay mid degan ayaa hadana dadku waxay dareemayaan welwel xoogan oo la xiriira dagaalo ka dhex qarxa dhinacyada isku haaya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]