4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 27, 2021
Rooble oo ku dhawaaqay xabad joojin iyo in la wada hadlo

 

Talaado, April 27, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa dhinacyada isaga oo soo horjeeda magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana loo dhaqaaqo wada hadal deg deg ah.

"Waxaan ku baaqayaa kulan deg deg ah oo xal loogu raadinayo dhibaatada hadda ka taagan magaalada Muqdisho. Waxaan ku amaanayaa doorka bulshada rayidka ah ee raadinta xal u helida xaaladan. Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay dulqaad muujiyaan oo ay is dajiyaan. Aan ilaashanno nabadeena iyo xasiloonideena."

Rooble ayaa hadal sheegay mar uu kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu yimid si ay uga wada hadlaan colaadda ka taagan magaalada Muqdisho.

Ra;iisal Wasaaraha ayaa sheegay  inuu ka xunyahay rabshadihii Axadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey ciidamada amaanka dowlada iyo kuwa taageeran mucaaradka.

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay bishan kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu horaantii bishan ka helay muddo kordhin muran dhalisay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]