4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Afhayeenka Waddani “Xukuumadeeni waxay inaga dhigtay maamul goboleed kamida Soomaaliya”
 

Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jamac Batuun, ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibad isla markaana la kala safatay mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka oo waraysi siinayay muuqbaahiyaha Sahan TV, ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibada Somaliland anay joogin halkii looga baahnaa.

Waxa kale oo xukuumada ku eedeyay in halkii ay awooda saari lahayd siyaasada dibada ay ku mashquushay in ay la kala safato dowlada iyo mucaaradka Soomaaliya.

“Diblumaasiyadeeni diciif bay noqotay waxana daliil u ah xidhiidhka aynu la leenahay waddamada jaarka inala ah” ayuu yidhi afhayeenku.

“Waxa muuqata in siyaasadeeni arrimaha dibadu fashiltahay, maanta waxay ahayd in dowlad iyo mucaarad ba inta laysku yimaado talo midaysan dunida lagula garnaqsado”.

“Lakin taa badalkeeda waata xukuumadeeni inaga dhigtay maamul goboleed kamida Soomaaliya, oo ay ku kala dhex milmayso Cabdixaashi iyo Khadar Guuleed” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Barkhad ayaa sidookale sheegay in xukuumadu ay lakala safatay madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Eedaynta xisbiga Waddani, ayaa imanaysa todobaadyo kadib markii ay xukuumada Somaliland baaq kasoo saartay xasilooni darada siyaasadeed ee ka dhex taagan mucaaradka iyo dowlada Soomaaliya.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]