4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo sheegay in xaaladdaha abaaraha ee Soomaaaliya ay saameyn doonaan 3.4 milyan dhamaadka 2021
 

Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay (UN) ayaa sheegay in ugu yaraan 3.4 milyan oo qof la saadaalinayo inay saameyn ku yeelan doonaan xaaladaha abaaraha dhammaadka sannadka 2021, kuwaas oo ku dhowaad 380,000 kamid ah la filayo inay barokacaan.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye iyo Adam Abdelmoula, Isuduwaha Gargaarka Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxay muujiyeen walaac qoto dheer oo ay ka qabaan xaaladaha abaaraha Soomaaliya oo ay sheegeen inay hadda u gudubtay xaalad daran.

Wasiir gargaarka Khadiijo ayaa sheegtay in Soomaaliya ay soo marto abaar shantii ilaa lixdii sanaba mar isla markaana roobabkii di'i jiray ilaa hadda ay masiibo ka dhalanayso. Sidoo kalena waxay tilmaamtay in caabuqa Covid-19 uu sii cusleeyay xaaladda bini’daanimo ee dalka.

Sida laga soo xigtay UN-ka, in ka badan 80 boqolkiiba dalka ayaa waxaa ka jira xaalado abaar oo dhexdhexaad ama daran. Inkastoo roobabka Guga ay ka bilowdeen qaybo ka mid ah dalka, haddana saadaashu waxay muujinayaan roobab ka hooseeya celcelis ahaan sidii hore.

“Waxqabad deg deg ah oo wadajir ah, oo ay kujirto kor u qaadida jawaabta iyo maalgalinta, ayaa loo baahanyahay hadda si looga hortago masiibo balaaran. Soomaaliya waxay ku jirtaa safka hore ee isbeddelka cimilada iyadoo soo noqnoqoshada masiibooyinka la xiriira cimilada ay si xawli ah u kordhayaan, sida ay sheegtay UN-ka,”  ayuu yiri Abdelmoula.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online