4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa
 

Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ku kala saxiixday Heshiis Dowladda Soomaaliya ay uga mid noqoneyso Wadamada Afrika ee awoodda u leh yareynta Khataraha musiibooyinka (African Risk Capacity).

Heshiiskaan oo ay Soomaaliya u saxiixday Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye .

Soomaaliya waxay ka noqoneysa waddankii 35-aad ee sannadkaan 2021  kusoo biira (ARC).

African Risk Capacity,  waa Hay'ad khaas ah oo ka tirsan Midowga Afrika oo loo aasaasay inay ka caawiso dawladdaha Afrika inay horumariyaan awooddooda si ay si wanaagsan u qorsheeyaan, u diyaariyaan, ugana jawaabaan dhacdooyinka cimilada daran iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Iyada oo loo marayo iskaashi maaliyaddeed.

ARC,  waxay u saamaxdaa wadamada inay xoojiyaan nidaamyadooda maareynta halista musiibooyinka isla markaana ay u helaan maalgelin deg deg ah oo la saadaalin karo marka musiibadu dhacdo si loo ilaaliyo amniga cuntada iyo hab nololeedka dadkooda nugul.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online