4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka hadlay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, April. 26, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo ka hadlay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay xiligan in dalka qalalaase la galiyo.

Waxaa uu sheegay in dhinacyada ku lugta leh dhamaanba dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho nabada ilaaliyaan, islamarkaana loo turo sida uu hadalka u dhigay dadka shacabka ah.

“Waan ka xumaha dhibaatadii lagu khalkhal galiyay amniga magaalada Muqdisho. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay xalka ugu habboon ee inoo furan, howshaaa oo aan bilaabay guulna ka rajeynayo.Aan ka wada shaqeyno nabadda iyo xasilloonida dalkeenna”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweynah dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu duulaan ku yahay naftooda iyaga oo intaa ku darray in ay is difaacayaan.

Wali xaalka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid aan daganeyn iyadoo meelaha qaar ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]