4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Xisbiga UCID oo cambaareeyay xadhig ay xukuumadu kula kacday musharixiin xisbiga ka sharaxan
 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Xogeeye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cabdinaasir Qodax, ayaa sharci daro ku tilmamay xadhiga musharixiin ka tirsan xisbiga UCID, sidoo kalena baaq udiray guddida doorashoyinka.

Cabdinaasir ayaa xadhiga musharixiinta xisbiga UCID ku sababeeyay in qaar kamida wasiirada dowladu, ay ku qasbayaan musharixiinta xisbiga UCID in ay Kulmiye iska sharaxaan.

“Wasiiro xukumada ka tirsan ayaa musharixiinta xisbiga UCID sigaara u beegsanayay oo qaar koodna maanta jeelasha ugu jiraan” ayuu yidhi Cabdinaasir.

“Qaarkoodna sidi jeelasha loogu jidhdilayay in ay ka tanasulaan musharaxnimada xisbiga UCID jeelka gudihiisa waraaqo lagaga saxeexay”.

Xogeeye ku xigeenka ayaa sheegay in ilaa imika aan wax maxkamada la gaynin musharixiinta xidhan, waxanu ugu baaqay guddida doorashooyinka in ay soo faragaliyaan xadhiga musharixiinta.

Xukuumada ayaa tiraba dhawr jeer xabsiyada dhigtay musharixiin ka tirsan xisbiga UCID, kuwaasi oo aan ilaa hada la cadaynin sababta dhabta ah ee ka danbeysa xadhigooda, waxana dhacda in layska sii daayo markay muddo xidhnadan.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]