4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Dagaal culus oo ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Axad, April. 25, 2021 (HOL) - Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Gaar ahaan dagaalkan ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hor ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa meelo ka baxsan degmada, iyadoo ay ka qeybqaadanayaan gaadiidka dagaalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]