4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay dhaarinta guddiga la dagaalanka musuq maasuqa


Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka hufnaanta maaliyadda, dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, isaga oo muujiyey muhiimadda uu Guddigu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed si loo hirgeliyo hannaanka isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta maaliyadeed ee Dalka.

“Maanta waxaa la idiin dhaariyey masuuliyad weyn oo heer qaran ah. Waxaan idin ka sugeynaa in aad xaqiijisaan hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adkeynta isla xisaabtanka, ilaalinta hantida shacabka iyo dabar goynta musuqmaasuqa oo dib u dhigay horumarka dalkeenna," ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa in ay adkeeyaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sagaalka xubnood ee Guddigan uu xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Bishii November ee sannadkii hore, ayuu barlamaanka Soomaaliya meel mariyay guddigan oo ka kooban 9 xubnood, kuwaas oo madaxweyne Farmaajo uu magacaabay bishii September ee sanadkii 2020.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online