4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Banaanbax xoogan oo goordhaw ka bilaawday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka socda Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya dadweyne fara badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo sheegay iney aad uga xun yihiin muddo kordhinta aay Golaha Shacabka u sameeyeen madaxweyne Farmaajo

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo aay ka mid yihiin, doonimeyno Farmaajo iyo hadhaco Farmaajo, waxayna banaanbaxayaasha laamiga ku dhex gubayeen taayaro waaweyn.

Banaanbaxyadaan ayaa yimid kadib markii Isgoyska Fagax aay maanta soo gaareen ciidamo fara badan oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Militiriga Soomaaliya kuwaas oo sheegay iney kasoo horjeedaan mudo kordhinta madaxweyne Farmaajo.

Xaalada Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid aad u kacsan waxaana walaac xoogan ka muujinaya arimahan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka cabsi qaba isku dhacyo dagaal oo ka qarxa magaalada muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]