4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Ciidamada amniga Puntland oo albaabada u laabay xarumo cuntada lagu karin jiray bisha Ramadaan

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Puntland ee magaalada Bosaso ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dad ma Soomayaal ah, sidoo kalena albaabada u laabay xarumo lagu karin jiray laguna iibin jiray raashinka bisil.

Howlgal ciidamadu ay sameeyeen iyagoo xog ka helaya shacabka ayaa lagusoo qabtay dadkan, iyadoo bil Ramadaan lagu jiro ay u furnaayeen goobo si qarsoodi ah loogu kariyo cuntada.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa uga digay dadka ka ganacsada cunooyinka la kariyo inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan in ay dawladdu tallaabo ka qaadayso.

Dadka bisha Ramadaan cunnada kariya ayaa si weyn uga macaasha cuntada la xarrimay bisha Ramadaan, waxayna ku iibsadaan qiimo ka badan intii horay loogu siin jiray, iyagoo ka faaidanaysa dadka masoomayaasha ah iyo kuwa sheegta daruufaha gaarka ah.

Waa howlgalkii ugu horeeyay oo bishaan ciidamada Puntland ay sameeyaan, iyadoo horay digniin loogu jeediyay dadka bisha Ramadaan sameeya falal lidi ku ah gudashada waajibka bishaan xurmada leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online