4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo sheegay in loo diiday in ay booqdaan musharax laga xidhay
 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Masuuliyiin katirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in loo diiday in ay xabsiga ku booqdaan musharax Qaasim Adan Saleebaan oo maalintii shalay xabsiga loo taxabay.

Hogamiyaha ku meel gaadh ka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Jirde, ayaa sharci daro ku tilmamay diidmada ay kala kulmeen ciidanka.

“Waxanu u tagnay maanta musharaxan ku xidhan saldhiga dhexe in aanu soo booqano, oo xeerkuna nasiinayo qofkii halka ku jira in lasoo booqdo, taliyihii saldhigu diidmo cad ayuu nagala horyimid” ayuu yidhi Cabdiqadir Jirde.

“Anagoo madaxdii xisbiga ah, anagoo xildhibaanadii qaranka ah, oo ay ahayd uun in aanu soo eegno oo aanu salaano, oo anan wax kaleba kala hadal ayuu yidhi maya idiin sii dayn maayo”.

“Waxa kale oo gurigeedi loo dhacay oo lagu raad jooga, Kobra oo ah inanta kaliya ee Burco nooga sharaxan waxana la leeyahay maxad xisbiga iskaga soo sharaxday” ayuu Cabdiqadir Jirde hadalkiisa ku daray.

Cabdiqadir Jirde ayaa sheegay in dadkii musharax Qaasim xabsiga cuntada ugu geeyay loo soo hanjabay qaarna la garacay.

Xadhiga musharaxan iyo musharixiin kale oo ka xidhan xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa imanaya xili ay doorashadii ka hadhsantahay muddo kayar 40 cisho.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]