4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Somaliland: Musharixiin katirsan xisbiyada mucaaradka ah oo xabsiga la dhigay

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Cabdillaahi Xasan Xirsi, Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Qaasim Adan Saleebaan oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

Musharax Ibraahim Cabdi Xuseen ahna xogeeyaha diinta iyo awqaafta ee xisbiga UCID, ayaa ka sharaxan gobolka Maroodijeex halka uu Cabdillaahi Xasan Xirsi na ka sharaxan yahay gobolka Saxil.

Musharax Qaasim Adan Saleebaan aya isaguna xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uga sharaxan gobolka Sool, waxana jira sawiro uu la galay qaar kamida madaxda dowlada Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyay baraha bulshada ku faafay.

Majirto cid ilaa hada si rasmiya uga hadashay xadhiga musharixiinta.

Xukuumada Somaliland, ayaa xabsiyada dhigtay tirro musharixiin ah tan iyo markii ay bilaabantay xulista musharixiinta doorashada 31 May, iyadoo markii danbena lasii daayay iyadoo aan xukun maxkameed ku dhicin dhamaantood ba.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]