Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Dowladda Maraykanka oo Ergay cusub usoo magacaabatay geeska Afrika
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay diblomaasi ruug cadaa ah iyo sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray wasaarada arimaha dibada Jeffrey Feltman inuu noqon doonaa ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika.
Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in magacaabista Feltman ay hoosta ka xariiqayso sida ay uga go'antahay Maamulka Biden inuu hoggaamiyo dadaal diblomaasiyadeed oo caalami ah si wax looga qabto dhibaatooyinka isku dhafan ee siyaasadeed, amni iyo bini'aadanimo ee Geeska Afrika.
Maamulka Biden ayaa cambaareeyay warbixinnada ku saabsan xasuuqyada ka dhacay gobolka Tigreega ee Itoobiya wuxuuna ku howlan yahay isku dayga lagu xallinayo khilaafaadka gobolka ka socda ee ku saabsan mashruuc biyo-xireen ballaaran.
Feltman wuxuu soo qabtay xilal badan oo sarsare, ugu dambayntiina wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha Arimaha Dibada ee arrimaha bariga laga bilaabo 2009 ilaa markii uu ka fariistay wakaaladda 2012.
Wuxuu sidoo kale soo noqday safiirka Mareykanka ee Lubnaan intii u dhaxeysay 2004 iyo 2009.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Wasiir Dubbe: Beesha caalamka awood uma lahayn in ay sharci darro ku tilmaamto go’aan barlamaan dal madax bannaan
4/24/2021 10:31 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay mowqifka beesha caalamku ka qaadatay go’aankii uu barlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa.
Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay guddida doorashooyinka
4/24/2021 9:08 AM EST
Sabti, April, 24, 2021 (HOL) - kulan uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay guddida doorashooyinka, ayaa lagaga wada hadlay habsami usocodka iyo kharashaadka ku baxaya doorashooyinka.
Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya oo wax laga xishooda ku tilmaamtay mid kamid ah qodobadii kasoo baxay shirkii midowga Afrika
4/24/2021 7:56 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada AMISOM ay la soconayaan dhaq dhaqaaqa ciidamada dowladda Soomaaliya iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo halis gelinaya wada shaqaynta AMISOM iyo ciidamada dowladda.
Maamulka Galmudug oo ciidankii ugu badnaa geeyay Koofurta gobolka Mudug
4/24/2021 7:53 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maamulka Galmudug uu geeyay ciidamo fara badan oo ka tirsan Daraawiishta maamulka Galmudug.
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
4/24/2021 7:21 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi kaasoo loo yaqiinay Big Show.
Maxkamada ciidamada oo bilaawday dhageysaneysa kiiska dacwada dilkii guddoomiyihii degmada Hodan
4/24/2021 7:15 AM EST
Sabti, April, 24, 2021 (HOL) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah bilaawday dhageysiga dacwad lagu soo oogay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay cuddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.
Itoobiya: Wakhtigii loogu talagalay diiwaangalinta cod bixiyeyaasha oo la kordhiyay
4/24/2021 2:49 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Sida uu shaaciyay Komishinka doorashooyinka ee Itoobiya waxaa labo toddobaad lagu daray wakhtigii loogu talagalay diwaangelinta codbixiyeyaasha.
Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey oo mar kale warbixin ka soo saaray xaalada Soomaaliya
4/24/2021 1:56 AM EST
Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Gollaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa mar kale warbixin ka soo saaray toddobaad gudihii xaalada cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo ku baaqay in lagu laabto miiska wada hadallada si loo xaliyo muranka la xiriira arrimaha doorashada.
Somali News
Turkey Summons U.S. Envoy After Biden’s ‘Genocide’ Statement
-
Bloomberg
4/24/2021 6:38 PM EST
President Joe Biden commemorated the 106th anniversary of the mass killing of Armenians by twice calling it a “genocide” -- a word no U.S. leader since Ronald Reagan has used to describe the event for fear of alienating NATO ally Turkey.
Somalia’s toxic political and security order: the death knell of democracy
-
The Conversation
4/24/2021 1:18 PM EST
By the mid-1990s, it was clear to the world that Somalia had become Africa’s first failed post-colonial state. But this vast country of just 10 million people had had a glorious history before this calamity. It was the first to enjoy a democratic transfer of power on the continent, in 1964 and 1967.
Demystifying autism in the Somali community through films and factsheets
-
Epigram
4/24/2021 10:11 AM EST
Five informative short films and factsheets about autism have been released for the Somali community developed by University of Bristol researchers and the community organisation Autism Independence.
Embattled Somali president hires lobby shop for US visit
-
Foreign Lobby
4/24/2021 3:24 AM EST
Somalia’s embattled president has hired a US lobby shop to help build inroads with Congress amid growing criticism from the Joe Biden administration over stalled elections in the East African country.
EU welcomes African Union rejection of Farmaajo’s term extension
-
HOL
4/24/2021 2:35 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The European Union has welcomed the African Union rejection of the extended stay in office by President Mohamed Farmaajo as international pressure piles on the Somali leader.
Sudan threatens legal action if Ethiopia dam filled without deal
-
AlJazeera
4/24/2021 2:09 AM EST
Sudanese Irrigation Minister Yasser Abbas says Ethiopia rejected invitation to three-way summit to discuss stalled negotiations over GERD.
Biden appoints special envoy for Horn of Africa amid conflict in Ethiopia
-
The Hill
4/24/2021 1:56 AM EST
Secretary of State Antony Blinken on Friday announced veteran diplomat and former senior State Department official Jeffrey Feltman will serve as U.S. special envoy for the Horn of Africa.
UN Security Council urges end to Somalia political crisis
-
AFP
4/24/2021 1:51 AM EST
The UN Security Council adopted a statement Friday calling on parties in Somalia "to reject violence and resume dialogue as a matter of urgency and without precondition," underscoring its concern over the country's political crisis.