4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi kaasoo loo yaqiinay Big Show.

Allaha u naxariiste dilka loo geystay ayaa ka dhacay goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Khayelitsha oo ka tirsan magaalada xeebeedka Cape Town.

Kooxdii buracada aheyd ee dilka u geysatay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana dilka kadib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaasi Koofur Afrika, kuwaasi oo baaritaano ka sameyay goobta dilka ka dhacay iyo nawaxigeeda inkastoo aysan jirin cid aay usoo qabteen dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Deegaanka Khayelitsha ayaa ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dalka Koofur Afrika ee lagu ugaarsado ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
   

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]