4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 23, 2021
Mareykanka oo soo dhaweeyay go'aankii Golaha Midowga Africa ee Soomaaliya

 

Jimco, April, 23, 2021 (HOL)- Qoraal goor dhaw ka soo baxay xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu taageeray go'aankii ka soo baxay Golaha Amniga Midowga Africa ee ka dhanka ahaa muddo kordhintii labada sano ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u sameeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mareykanka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go'aanka uu qaatay midowga Africa, iyaga oo soo dhaweynaya doorasho xor ah oo deg deg uga dhacda Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in go’aanka barlamaanka uu qaatay uu wiiqayo midnimada iyo xasilloonida dalka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka curdanka ah.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]