4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2021
Dhakhtar caan ahaa oo goordhaw lagu dilay Muqdisho
 

Khamiis, April, 22, 2021 (HOL) - Dableey hubeysan ayaa goordhaw xaafada Albaraka ee degmada Hodan ku dishay allaha u naxariiste Dr Xasan Cismaan Ciise oo loo yaqaano Dr Buurane, kaasoo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada Maqaarka.

Dhaqtar ayaa la sheegay xiliga la dilayay inuu ku sugnaa banaanka hore ee gurigiisa dabadeedna rag bastoolado ku hubeysnaa aay dhowr xabo kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa uuna ku geeriyooday isla goobta.

Kooxdii fulisay dilka dhaqtarka ayaa isaga baxsaday goobta aay ku dileen marxuumka, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ehelada dhaqtarka kuwaas oo meydka ka qaaday meesha lagu dilay.

lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka Dhaqtarka iyo cida dishayba, waxaana dilkaan uu ku soo beegmaya xili xalay Xaafada Siliga Ameerikaanka ee degmada Wadajir lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekh oo isna kooxdii dishay aay baxsadeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]