4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2021
Midowga Africa oo maanta ka shiraya xaalada Soomaaliya

 

Khamiis, April, 22, 2021 (HOL) -Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Golaha Nabad-galyada Midowga Africa uu kulan xasaasi ah ka yeesho ismari-waaga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka oo aan wali dhamaan.

Kulanka ayaa imanaya kaddib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tagay magaalada Kinshaasa ee dalka Jamhuuriyada Congo oo kulan uu la qaatay madaxweynaha dalkaasi leysku afgartay in dhaxdhaxaadin laga galo khilaafka siyasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa imanaya kaddib markii Golaha Amaanka Qarramada Midoobey shirkoodii ugu danbeeyay isku raaceen in xal u helida maskhaakilka siyaasadeed ee Soomaaliya loo daayo ama looga danbeeyo Midowga Africa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in suurtagalnimada in la magacaabo Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]