4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 21, 2021
Puntland oo xukun dil ah ku riday sideed xubnood oo katirsan Alshabab oo dilalka qorshaysan ka geysan jiray Gaalkacyo

Arbaco, April, 21, 2021 (HOL) - Maxkamada  ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday shabakad katirsan Alshabab, oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo lagu helay in ay dilal ka geysteen Gaalkacyo.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa sheegtay in dhammaan eedeeyanayaasha lagu helay dambiyada logusoo oogay, waxayna magacyadooda kala yihiin.

Feysal Gujis, Sahal Cabulaahi, Iidiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamed Saleeban, iyo Jaamac Muruudi Xuseen.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidoo kale xukun dil ah ku ridey saddex  xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaas oo ka howlgali jirey xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo kana geystey dilal madax qorshaysan.

Magacyadda ragga la xukumay.

Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale, iyo Maxamed Cumar Muudey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online