4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Qatar oo beenisay in lacag sharci darro ah u soo mariso Fahad Yaasiin Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Faarmaajo

 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn culus oo uga timid safiirkii hore ee Mareykanka u qaabisanaa Soomaaliya Stephen Schwartz oo sheegay in dowladda Qatar lacag sharci darro ah siiso dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Safiirka ayaa intaa ku darray in Qatar dhaqaalaha sii mariso taliyaha hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin,, taasoo keentay in uu noqdo shaqsi awood badan ku dhax leh dowladda

Balse Dowladda Qatar ayaa eedeyntaasi ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah. laakiin taa badalkeeda ay kaalin mug leh ka qaadatay dib u dhiska iyo hormarinta Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa  sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin lacag suuq madow oo ay Soomaaliya geliso, balse waxay sheegtay in ay sanadkii tegay miisaaniyadda dowladda ku taageertay $20 milyan.

Marar badan oo hore ayaa Qatar lagu eedeeyay in ay xiriir dhaw la leedahay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo saaxiib dhaw la ah ayaa la yiri Fahad Yaasiin oo muddo dheer ka soo shaqeynayay wadankaasi

Qatar ayaa sidoo kale ku doodday in doorkeeda Soomaaliya uusan waxba ka duwaneyn kan guud ahaan wadamada beesha caalamka, iyada oo intaa ku darray in Soomaaliya ay ka waddo mashaariic hormarineed oo muhiim u ah dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]