Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne oo maanta xiran
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Waxaa maanta gabi ahaanba xiran howlahii duulimaadyada diyaaradaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib Roobaab xoogaan oo habeenkii xalay ahaa ka da'ay magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.

Roobabka xalay ka da'ay Baledweyne ayaa sababay iney biyo farabadan dhex fariistaan dhabaha loogu talo galay iney ku cararto diyaarada marka aay soo dageyso iyo marka aay kaceysaba.

Rakaabkii maanta u kala duuli lahaa magaalooyinka Baledweyne iyo Muqdisho ayaa safaradooda ka baaqday kadib markii saakay lagu wargeliyay ineysan jirin duulimaadyadii garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka ee Gu'ga iyo Deyrtaba waxaa xirma guud ahaan duulimaadka garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne sababo la xariira garoonka oo aay biyaha roobabka dhex fariisayaan.

Madaxda maamulka gobolka Hiiraan, Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u balan qaaday iney dhisayaan garoonka baledweyne, balse wali may suurtagalin fulinta balan qaadyadaasi, waxaasi xusid mudan in madaxda Soomaalida intooda badan balan qaadkoodu uusan dhaafsiisnen afka.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne waxa uu ka mid yahay garoomada ugu shaqada badan dhanka duulimaadyada marka laga soo tago garoomada Aadan Cadde iyo Cigaal ee magaaloyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]









Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Kadib kulan ballaaran oo aay maanta isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa aay si weyn uga soo horjeesteen muddo kordhinta aay dhawaan sameeyeen Golaha Shacabka Soomaaliya.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Qatar ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn culus oo uga timid safiirkii hore ee Mareykanka u qaabisanaa Soomaaliya Stephen Schwartz oo sheegay in dowladda Qatar lacag sharci darro ah siiso dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Chad Idriss Deby ayaa u dhintey dhaawac ka soo gaarey jiida hore ee dagaalka isagoo la dagaallamaya fallaagada waqooyiga dalkaas ka dagaalama.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Madasha Badbaado qaran oo aay ku mideysan yihiin Midowga musharaxiinta, maamulada Puntland, Jubbaland iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa fariin cusub u diray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo lagu wado iney maanta shir ka yeeshaan xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in albaabka wadahadalku furan yahay, laakiin dhinaca kale waxba iska badalin go'aankii uu dhawaan Baarlamaanku qaatay ee jiheynta doorashada muddo labo sano ah gudahood.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiye ku xigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud ayaa lagu dilay Qarax waddada dhinaceeda loo dhigay oo lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socday oo marayay waddada Daarusalaam.

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Masar uga tacsiyeysay dadkii ku dhintay shilkii tareenka ee shalay ka dhacay Gobalka al-Qalyuubiya ee waqoogiya dalkaas.

Somali News

4/20/2021 5:33 PM EST
Former Minneapolis police officer Derek Chauvin has been convicted of murder and manslaughter in the death of George Floyd, which was captured on video and sparked worldwide protests over racism and police brutality.

4/20/2021 10:11 AM EST
Mogadishu (HOL) - The National Salvation Forum (NSF), a coalition of opposition leaders and regional heads, sent a letter to the UN Security Council on Monday urging the world body to reject President Farmajo's term extension ahead of a meeting to discuss Somalia's political situation.

4/20/2021 7:38 AM EST
Chad’s President Idriss Deby has died while visiting troops on the front line of a fight against northern rebels, an army spokesman said on Tuesday, the day after Deby was declared the winner of a sixth term in office.

4/20/2021 5:48 AM EST
For many years it was not possible to register trademarks in Somalia, an east African state with a population of roughly 16 million. This was a consequence of a brutal civil war that started in 1991 and continued for many years. The best that international brand owners could do was publish cautionary notices in Somalian newspapers.

4/20/2021 4:48 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia's President has asked the African Union to facilitate talks with political stakeholders.

4/20/2021 4:41 AM EST
MOGADISHU (HOL) - A district official in Mogadishu was this morning killed after his vehicle hit an improvised explosive device suspected to have been planted on the road.

4/20/2021 1:13 AM EST
MOGADISHU, Somalia Monday 19 April 2021 – Twenty-five Somali journalists from various regions in Mogadishu and other regional federal member states have participated in 2 –day Online training held from 17th – 18th April 2021 on respecting the safety procedures for Covid-19 prevention.

4/20/2021 1:06 AM EST
The Somali National Army (SNA) has killed a senior al-Shabab operative and arrested two others in an operation in the Middle Shabelle region, a military officer confirmed on Monday.

4/20/2021 12:51 AM EST
For Dr Ubah Farah Ahmed, returning to Somalia was not an easy decision to make, but she knew it was the right thing to do.

4/20/2021 12:41 AM EST
Somalia said Monday that it would welcome the African Union taking a principal role in facilitating a process that would lead to dialogue between the government and other stakeholders in the country.
Click here