4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 20, 2021
Madasha Badbaado Qaran oo fariin u dirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay
 

Talaado, April, 20, 2021 (HOL) - Madasha Badbaado qaran oo aay ku mideysan yihiin Midowga musharaxiinta, maamulada Puntland, Jubbaland iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa fariin cusub u diray Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo lagu wado iney maanta shir ka yeeshaan xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Madasha Badbaado Qaran ayaa warqadda aay direen waxay ku saabsaneed sida aay uga soo horjeedaan muddo kordhinta Golaha shacabka aay u sameeyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waliba khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyagoona codsaday in fariintooda laga hor aqriyo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay.

"Go'aanka kasoo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaaliya oo ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan, waxayna khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran.

Fariinta Madasha Badbaado Qaran ayaa imaaneysa xili xaalada siyaasadeed ee dalka aay tahay mid aad u cakiran, kadib markii Beesha Caalamka aay walaac xoogan ka muujisay cakirnaanta siyaasadeed ee aay wajaheyso Soomaaliya tan iyo waxii ka dambeyay markii Golaha shacabka Soomaaliya aay ku dhawaaqeen go'aanka la xariira muddo kordhinta labada sano ah.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]