4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 19, 2021
Ciidanka AMISOM oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalamayaal katirsan Alshabab
 

Isniin, April, 19, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, ayaa gacanta ku soo dhigay dagalamayaal katirsan Alshabaab ah kadib markii ay hawl-gal si wada-jir ah uga sameeyeen deeganada Gololey iyo Ceel-gelow oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeelada Dhexe.

Howlgalka AMISOM ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in xubnahaas Al-Shabaab ay ku wareejiyeen ciidanka Booliiska Soomaaliya si ay baaritaan dheeri ah uga sameeyaan.

Shalay ayay ahayd markii dowladdu sheegtay in ay dishay madaxii Alshabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Shabeellada dhexe, kadib hawl-gal ujeedkiisa ahaa xaqiijinta isku socodka wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar oo lagu beegsaday Alshabaab.

Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dilay sarkaalka ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in ay gaari ay la socdeen dad rakaab ah qarax kula beegsadeen isla wadadaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online