4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Prof Gandi oo ku geeriyooday dalka Faransiiska

 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) -  Alle ha u naxariisteen waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Prof Gaandi oo dhashay sanadkii 1949 ayaa soo noqday Wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

Waxaa uu ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweyne sanadkan 2021ka, isaga oo dhinaca kalana ahaa Aqooyahan wax ka dhiga Jaamad ku taala dalka Faransiiska.

Geeridiisa waxaa ka tacsiyay qaar ka mid ah madaxdii ay soo wada shaqeeyeen iyo waliba siyaasiyiintii ay saaxiibada dhaw ahaayeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]