4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Dowladda oo qabatay lacag si sharci darro ah looga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabatay lacag cadadkeeda aan la sheegin oo ka timid dhinaca Kenya.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xassan Maxamed ayaa sheegay in lacagtan oo aheyd cadad ahaan mid aad u badan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gashay dhinaca dalka Kenya.

Taliyaha ayaa yiri'' waxaan bogaadinayaa ciidanka saldhiga Booliiska Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo iyagu ku guuleystay in ay lacagtan gacanta ku dhigaan, waxaa socda baaritaan arintan la xiriira.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo ay bixiyeen laamaha Amniga, iyadoo dhowr jeer oo hore sidan oo kale dowladda Soomaaliya u qabatay lacago ay ku tilmaamtay sharci darro oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]