4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur" Farmaajo la kulankiisa cid xiiso u qabta majirto waana hoggaamiye kooxeed"
 

Axad, April. 18. 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo isaga oo muddo xileedkiisa dhamaaday inuu xirtay albaabadii wadahadalka, isla mar ahaantaana sheegay in xiligan waxii ka dambeeya aysan u baahnen la kulankiisa.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay in Farmaajo uu soo laabay Albaabadii wadahadalka, isla markaana uu noqday hoggaamiye Kooxeed waa sida uu hadalka u dhigee.

"Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, kadibna hoggaamiye Kooxeed noqday, majirto cid xiisa u qabta la kulankiisa, waxaase isweydiinta mudan dowlad goboleedyada qaarkood bulashadii rayidka iyo waxgaradkii ayay la tashadeen kadibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go'aan ku diiday muddo kororsiga" ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay inuu is weydiiyay cidda aay la tashteen maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, markii aay go'aanka muddo kororsiga aay ku taageerayeen Farmaajo.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya xili xalay magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen Midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo la sheegay iney ergo ka ahaayeen sidii aay u kulmi lahayeen madaxweyne Farmaajo iyo Midowga Musharaxiinta.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]