4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 18, 2021
Xukuumada Somaliland oo bulshada uga digtay khatarta roobab waa weyn oo Somaliland kusoo fool leh
 

Axad, April, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa bulshada uga digay khataro ay keeni karaan roobab waa weyn oo uu sheegay in ay ka di’i doonaan deegaanada Somaliland.

Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in ay ka digtoonadan safarada ay ugu kala gooshayaan gobolada Somaliland, isagoo ciidamadana ugu baaqay in ay xil iska saaran, bad baadada dadka safar ka ah.

“19 iyo 20 April waxa inagu soo aadan sida ay saadaashu sheegtay roobab aad u waa weyn, oo ku aadan magaalada sheekh, Maroodijeex iyo Awdal markaa waxanu uga digayna dadka shacabka ah in ay aad uga digtoonadan” ayuu yidhi wasiirku.

“Waxan ka codsanayaa ciidamada qalabka sida, in ay ilaaliyaan baabuurta dadka u kala gooshaya gobolada” ayuu wasiir ku hadalkiisa ku daray.

Roobka guga ayaa qaar kamida gobolada Somaliland ka curtay maalintii shalay iyadoo robabku ay ilaa maanta ka da’ayaan gobolada galbeedka Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online