4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 17, 2021
Madaxweyne Deni oo Garowe kulan albaabada u xiran kula leh barlamaanka Puntland
 

Sabti, April, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo  mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kororsiga dowladda federalka.

Kulankaan oo albaabadu u laaban yahay ayaa hadda ka socda xarunta barlamaanka, waxaana bannaanka looga saaray warbaahinta tebinaysay furitaankiisa.

Madaxweyne Deni ayaa xalay la shiray siyaasiyiinta iyo ururada bulshada, isagoo kala hadlay mowqifka Puntland ka qaadan karto go'aanka muddo kororsiga.

Kulanka kadib waxaa la qorsheynayaa in ay Puntland soo saarto warsaxaafadeed ku saabsan mowqifkeeda siyaasadeed ee arrimaha doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online