4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Dagaal dib uga bilaabmay degaanka Holhol iyadoo khasaare xoogana uu ka dhashay
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Wararka galabta naga soo gaadhaya Dhabar-dalool ee degaanka Holhol degmada Xuddun ee gobolka Sool, ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 10 ruux ay dhinteen in ka badana ay ku dhaawacmeen.

"Maaha war sax ah inaan kuu sheegi karo waayo lama oga labada dhinac, anigu hada Waxaan Joogaa Magaalada Xuddun waxaan sheegi karaana ma jirto 4 qof oo la aasayo waan arkay qaar la soo wadana waa la sheegayaa, welina dagaalku waa socdaa" sidaa Waxa noo sheegay nin ku sugnaa ogagaarka degaanka dagaalku ka dhacay waxase uu codsaday inaan la magac dhabin.

Dagaalkan oo si lama filaan ah u weynaadey ayaa la sheegayaa in ay sii kicisay shaki ka yimi ciidamo la filaayey in ay dhexgal Sameeyaan ay ku milmeen colaada inkasta oo aan la hubin wararka dhabta ah ayaa dadku leeyihiin waa war war ku sug.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood