4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Xiisad colaadeed markale ka bilaabantay duleedka Holhol ee degmada Xuddun
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhaawacmay xiisad colaadeed oo ka dhalatay ceelka Dhabar-dalool oo tuulada Holhol ka tirsan, kaas oo dhawrjeer oo hore murankiisa meel la saaray.

"Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey, waan tagnay waxaana ilaa hada wadnaa sidii aan colaada u hakin lahayn" sidaa waxa noo sheegay mid ka mid ah duqeyda degaanka Holhol.

Qaar ka mid ah labada dhinac ee beelaha muranku sababay dhibaatada ayaa waxa ay eedaynta dusha ka saarayaan ta kale in ay bilawday, waxaana jira xeer aad u adag oo arimaha noocan ah labada beelood ugu heshiiyeen kaas oo lagu magcaabo xeerkii Adhi-cadeeye sida ay odayaal dhowr ahi ii xaqiijiyeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in laba ka mid ah ay ku dhaawacmeen deleedka Laascaanood kadib markii dabley jidka u gashay oo rasaas huwiyeen iyagoo ku sii jeeda dhinaca goobta wax ka dheceen.

Dadkii dhaawacu soo gaadhey ayaa lagu dabiibayaa Laascaanood iyo Xuddun, waxaana la sheegayaa in badankooda dhaawacoodu aanu aad u cuslayn in kasta oo la sheegayo qaar liita.

Warar aan ka helayno dhinaca maamulka ayaa la sheegayaa in odayaal iyo ciisanba ay u baxayaan sidii ay hawshaasi aanay halkaasi u dhaafteen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood