4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Hay'adda UNHCR oo Kenya u soo jeedisay qorshayaal lagu xiri karo xeryaha qaxootiga
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dowladda Kenya siisay soo jeedin ku saleysan xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Arrintan ayaa daba socota 14 maalmood oo kama dambays ah oo ay dawladda Kenya u soo saartay hay’adda UNHCR inay la timaado qorshe lagu xidhayo labada xero, oo ay ku nool yihiin ilaa 430,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah oo ka kala socda in ka badan 15 dal.

UNHCR ayaa soo jeedisay dib u celinta ikhtiyaariga ah oo la xoojiyo iyo in qaxootiga ka soo jeeda waddamada jaarka la ah Bariga Afrika la siiyo qorsheyaal kale oo ay ku sii joogi karaan waddanka Kenya.

UNHCR ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay deeqsinimada weyn ee ay dadka iyo dowlada Kenya u muujiyeen qaxootiga muddo tobanaan sano ah iyo baahida loo qabo in la xaliyo xaaladaha barakaca ee muddada dheer jiray.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu hanjabtay inay xiri doonto xerada Dhadhaab oo ahaan jirtay xerada qaxootiga ee ugu weyn adduunka. Laakiin isku day la sameeyay 2017 ayaa la joojiyay markii maxkamadda sare ee Kenya ay sheegtay in xiritaankeedu yahay sharci darro iyo takoorid bulsho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online