4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 15, 2021
Madaxweyne Deni oo Garowe ka bilaabay wada tashiyo ku saabsan mowqifka Puntland ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
 

Khamiis, April, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay golihiisa wasiiradda, isagoo warbixin ka siiyay safarkiisii magaalada Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu sabtida hortagidoono barlamaanka Puntland, isagoo kala tashandoona mowqifka Puntland kaga aadan go’aan uu qaatay barlamaanka Soomaaliya oo muddo kordhin u sameeyay dowladda uu muddo xilleedkeedu dhamaaday.

Madaxweyne Deni, tan iyo markii barlamaanka Soomaaliya  uu 12 kii bishaan meel mariyay sharciga jihaynta doorashooynka, weli kama uusan hadlin, balse maalin kadib go’aankaas ayuu kasoo laabtay magaalada Muqdisho oo uu muddo bil ka badanu joogay xallinta caqabadaha doorashooyinka.

Puntland waxay horey u sheegtay in haddii lagu heshiin waayo geeddi socodka doorashooyinka uu dastuurkeedu siinayso awoodo u oggolaanaya inay ka tashadaan aayahooda iyo masiirkooda.

Si kastabe ha ahaatee, maalmaha soo socda ayaa Puntland laga filayaa inay soo saarto go’aan barlamaani ah oo ku saabsan mowqifkooda doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online